Back

Explore every episode of the podcast Ladnaan Podcast

Dive into the complete episode list for Ladnaan Podcast. Each episode is cataloged with detailed descriptions, making it easy to find and explore specific topics. Keep track of all episodes from your favorite podcast and never miss a moment of insightful content.

Rows per page:

1–50 of 63

TitlePub. DateDuration
# 62: Sideed u xoojineysa da’yarta autism/ADHD ga leh kalsoonidooda30 Dec 202400:32:58

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena waxaan kaga hadalnay sida waalidka uu ilmihiisa u xoojin lahaa kalsoonidiisa iyo siduu isku dabiri lahaa keligii. Waa xalqadii noogu dambeysay ee taxanaheena caruurta leh neurodivergent condition. Waa xalqad xiiso badan aanu rajeyneyno in waalid badan ay ka faaideysan doonaan. Xataa haddii uusan ilmahaagu qabin xaaladaan waxaad caawini kartaa waalidka kale ee haysa ama waxeey kuu noqoneysaa aqoon un kuu koradhay. 

Introduction music is from josephmcdade.com/music

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
   Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
  waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST 

# 61: Sideey u caawiyaan Occupational therapist iyo Speach therapist caruurta autism ka leh17 Nov 202400:26:11

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeenaan waxaan kusoo koobeynaa wareysi aan la yeelanay Muna Abukar oo ah occupational therapist (OT) iyo Anna Fäldt oo ah Speech therapist (ST). Waxeey labadoodaba nooga hadleen goorta uu ilmaha autism ka qaba u baahan yahay OT iyo ST. Sideey wax ugu qabtaan iyaga iyo dowrka uu waalidka ka cayaaro.

Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa maqaalo iyo filimo siduu waalidka uu ilmihiisa uga caawin karo si uu luqada ama wada hadalka u xoojiyo.

1. Filim ku saabsan Buug aqrinta: Buug aqrin-somaliska on Vimeo
2. Wax wada aqriska: spraklust_a5_2023_somaliska.pdf
3. Filim ku saabsan kobaca luqada: Somali — Kodknäckarna - Stöd vid dyslexi och skrivsvårigheter
4. Sida loo caawiyo ilmaha inteeysan caqabado imaan: Wax ka qabashada hore - ku bilow ciyaarta iyo wada xiriirka
5. Xiisogalinta luqada caruurta da'dooda tahay 0-18 bilood: SOMALISKA 0-18 mån
6. Xiisogalinta luqada caruurta da'dooda tahay 2-5 jir: SOMALISKA 2-5 år

# 52: Aragtida caruurta laga qabo iyo saameynta - wareeysi Dr. Faadumo M.15 Nov 202301:02:49

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaan xalqadan xiisaha leh idinkugu soo gudbineynaa wareysi aan la yeelanay Dr. Faadumo Mohamud Mohamed aragtida caruurta ay bulshada ka qabto iyo saameynta ay ku yeelaneyso tarbiyada iyo tacliintaba. Dr. Faadumo waxeey xanaanad ka furtay magaalada Muqdisho taasoo ula jeedadeeda tahay in lasoo saaro fac naxariis iyo jaceyl wax lagu baray iyo ineey u arkaan waxbarasha mid socota oo aan dhamaaneyn. 
Bal nala dhageysta xalqadan xiisaha leh. Nala soo wadaaga ra'yigiina, idinkoo Instagram keena @LADNAAN_PODCAST  noogu soo diraya. La wadaaga walaalihiina Ladnaan podcast. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
#51: Muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka, ilmaha iyo macalinka15 Oct 202301:02:06

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaan xalqadaan ku wareeysan Ubah Adan oo ah waalid, macalin iyo maamule iskuul. Ubah waxeey si fiican u kala dhigdhigeysaa dowrka uu macalinku ka cayaaro ilmaha ama ardeyga mustaqbalkiisa, waxbarashadiisa, iyo habdhaqankiisa. Iyo weliba muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka iyo macalinka. Waxaad kaloo maqli doontaa anagana ra'yigeena. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
# 50: Ladnaan 3 years! Sidee buu noqon mustaqbalka Ladnaan?10 Sep 202300:34:03

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Kusoo dhawaada xalqadan oo aan kaga hadleyno sideey ahayd sedexdii sano ee lasoo dhaafay, maxeeynu baranay, iska baranayna, sidee buu noqon mustqabalka Ladnaan podcast?
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  
# 49: Ladnaanta nolosha waxeey ku jirtaa qiimeynta nafsadaada20 Aug 202300:37:22

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qof walba wuu jecel yahay inuu helo farxad iyo ladnaan. Laakiin sida uu qofka uu raadiyo weey kala gedisan tahay. Haddaba qeybtan waxeey ku saabsan tahay sida aan ku heli leheen ladnaanta nolosha. Iyadoo uu qofku u baahan yahay inuu naftiisa qiimeeyo doorarka nolosha ee saaran. Waxaan kaloo hadleynaa sida aan anagana isku qiimeynay.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com 

# 48: Sideey caruurteena ku sameeysan karaan saaxiib wanaagsan07 Jul 202300:43:03

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Su’aal aan anaga isweydiiney waalid badana ay is weydiinayaan ayaa ah sideey caruurteeba u sameeysan karaan saaxiib wanaagsan. 

Saaxiibada muhiim ayeey u tahay caruurta, waxayna ka bartaan dad la dhaqanka, waxeeyna nooga baahan yihiin inaan hagno. 

Waxaan isku dayeynaa inaan xalqadan kaga hadalno da’da kala gedisan iyo saameynta asaxaabta iyo sideey waalidka u hagi lahaayeen caruurtooda. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 47: Xusuus wanaagsan la samee caruurtaada11 Jun 202300:37:28

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena maanta waxeey ka hadleysaa sidaan xusuus wan wanaagsan ula sameeyn lahayn caruurteena, iyo muhiimada ay leedahay xusuusta wan wanaagsan in la isla sameeyo.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 46: Daryeel Bulsho - Wareysi aan la yeelanay Qoraaga Abdukadir A. Mursal21 May 202300:46:39

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalaqadeenaan waxaan wareeysi la yeelanay qoraaga buuga Daryeel Bulsho. Waa buug xambaarsan aqoon guud iyo wacyi galin ku saabsan caafimaadka maanka, anagoo ku xuseyna bisha May oo ah bisha caafimaadka maanka.  
Abdukadir wuxuu xalqadani noogu sheegayaa talaabooyin ka hortrag ama ka daba tag xagga caafimaad xumida ku yimaada maanka. 
Haddii aad dooneyso inaad iibsato buuga Daryeel Bulsho kala xiriir Abdukadir: cabduqadirabukar@gmail.com

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 45: Bisha Ramadan iyo sidaan u kobcin lahayn qoyska19 Mar 202300:47:37

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeenaan waxaan uga hadleynaa sidaan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maher Zain. 
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#44: Waa maxay Burn-out? Sideena looga hortagi karaa?04 Mar 202300:39:54

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalaqadeenaan waa xalqad ay dhageystayaal badan naga codsadeen inaan wax ka sheegno. Mawduuca maanta aan soo qaadaneyno waa Burn-out. 
Waxaanu xalqadaan kaga hadleynaa calaamadaha lagu garto, marxaladaha kala duwan iyo waxaad ka qaban karto.
Haddaba waxaan dhageystayaasheena xusuusineynaa in markaan calaamadaha sheegno kadib aysan bilaabin ineeysan diagnos isku sameeyn. Hadaad shaki iska qabto la xiriir dhaqtarkaaga ama raadso dhaqtar. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com 

#43: Sideed tahay adiga waalidka ah ee caruurta yar-yar haysta?22 Jan 202300:21:58

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waa sidee dareenka waalidka caruurta yaryar haysta? Ma waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn reyn, mise stress? maxaad sameeysaa si aad uga baxdo mar marka qaarkii stress-ka waalidnimada keenta? Haddaba xalqadan waxaan kuugu haynaa talooyin. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 60: Muxuu kaaga baahan yahay ilmaha autism-ka iyo ADHD-ga leh23 Sep 202400:42:43

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena waxaan kaga hadalnay sida loo daboolayo baahida shucuureed iyo bulshadeed oo ay leeyihiin caruurta autism ka iyo ADHD-ga leh. Waxaan kaloo ka hadalnay sida loo taageerayo si ay u maareeyaan nolol maalmeedkooda.
Ogow in caruurta leh autism ama ADHD aysan isku wada mid aheeyn. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST 

# 42: Sideen caruurteena uga badbaadinaa shaashada & aaladaha elektorooniga?02 Jan 202300:28:33

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Sanad wanaagsan ayaan idin leenahay dhageystayaasheena meel walbo oo aad joogtaan. Anagoo weli ku guda jirna caruurta da'dooda u dhaxeeysa 1-6 jir waxaan xalqadan idinkugu haynaa dhibaatooyin ay waalidiinta adduunka dhan ay isla wadaagaan oo ah sideen uga badbaadinaa caruurteena shaashada iyo aaladaha elektorooniga?

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#41: Part 3-Marxaladaha horumarinta caruurta jirta 4-5 jir04 Dec 202200:35:44

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Taxanaheenaan sedexaad wuxuu ka hadlayaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 4-5 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#40: Part 2: Marxaladaha Horumarka Koriinka Caruurta 1-3 jir13 Nov 202200:28:31

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Taxanaheenaan labaad ee Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-3 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#39: Marxaladaha Horumarka Koriinka Carruurta, 1-3 sano jir- Part 131 Oct 202200:31:44

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaan dhowr xalqadood oo soo socda kaga hadli doonaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-5 sano jir. Qeybtaan ugu horeeysa waxaan kaga hadleynaa 1-3 jir iyo shanta marxalood ee ugu waaweyn. Ha moogaanin qeybta 2-aad oo aan sii wadi doono. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#38: Sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka12 Sep 202200:27:28

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena waxaan kaga hadleynaa sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka. 
Caruur badan ayaa dhacda in isbuuc ama dhowr isbuuc kadib iskuulkii naca oo yiraahda ma rabo inaan iskuulka aado. Sababaha keentana weey badan tahay. Xalqadeenaan waxaan kaga hadleynaa xalalka uu waalidka sameeyn karo markeey caruurtiisa ka caajisaan iskuulka ama ay diidaan ineey sameeyaan waajibaadyada looga soo diray iskuulka. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 37: Sidaan caruurta ugu diyaarin leheen iskuul sanadeedka20 Aug 202200:45:43

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

How to prepare children for the school start.

Xalqadeenaan waxaan siin doonaa waalidiinta talooyin ay ku dabaqi karaan una isticmaali karaan isku diyaarinta sanad dugsiyeedka.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 36: Wareysi Luul oo ah social worker/social sekreterare10 Jul 202200:47:40

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Haddaba xalqadeena waxaan mar labaad ku casumnay Luul oo aan horay kaga wareeysanay howsha ay qabtaan adeega bulshada ee Sweden. Xalqadeenaan waxaan ka hadleynaa oo ay Luulna nooga jawaabeysaa su'aalo ka yimid wareystayaasheena. Waxayna xalqadani qaas u anfaceysaa waalidiinta ku nool Sweden. Waalidiinta wadamada galbeedka kale degan xataa waxay ka faaiideysan karaan waxyaabo badan.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

Special episode: Guur & Gayaan22 Jun 202200:12:19

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadaan Ladnaan podcast waa mid ka gedisan xalqadihii aad nooga barateen. Waa special episode oo aan ugu tala galnay inaan warbixin ka bixino mawqac ama Platform la yiraahdo Guur & Gayaan. Dhageyso oo nala wadaag ra'yigaaga. Wixii su'aalo ah noogu soo dir: ladnaanpodcast@gmail.com
Mawqaca Guur & Gayaan waxaad kasoo geli kartaa Instagram account: @guur_iyo_gayaan

Heesta intro iyo dhamaadka waa heesta Cabdi Hani, Wiil Goboo

# 35: Wareysi aan la yeelanay Kaltun - kobcinta iyo koriinka caruurta da'da yar31 May 202200:57:56

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaynu qeybteenaan wareysanay Kaltun Abdulahi Guuleed oo ku taqasustay kobcinta iyo koriinka caruurta, qaasatan caruurta da'da yar. Waxay Kaltun nala wadaagtay sidaan caruurta u kobcin lahayn jir ahaan, maskaxiyan iyo shucuur ahaanba, iyadoo cilmigii maadiga iyo tii diinigaba dhinac walba ka eegtay.

Heesta horudhaca waxaa iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Heesta dhamaadka ee la yiraahdo 'Ubadkaa mudnaanta leh' waxaa iskaleh Aar Maanta. 
https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc&ab_channel=AarMaanta-Topic

Wixii su'aalo oo ku saabsan kobcinta caruurta da'da yar nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#34: Aasaaska waalidnimada08 May 202200:31:10

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

 Waxaan horay xalqadeenii 3-aad uga hadalnay aasaaska tarbiyada oo aan ku tilmaamnay inay tahay:  Inaan soo saarno jiil kalsooni leh,  aamin ah, nafta xakamin kara, isku filan, jaceeyl u qaba waalidka iyo dadka kaleba. 
Haddaba maanta waxaan dib ugu noqonaynaa xalqadaa oo aanu u gudagalno aasaaska tarbiyada. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 59: Wareeysi aan la yeelanay Zeynab - Autism center in Garowe01 Sep 202400:36:54

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaan xalqadaan idinku haynaa wareeysi xiiso leh. Waxaan wareeysanay Zeynab oo ah cilmi nafsi ka shaqeeysa Xarunta caruura baahida gaarka leh - Autism Somali Center ee ku taal Garowe. 

Dhageystayaasheena waxaan ka codsaneeynaa haddii ay jiraan dad jecel ineey cilmigooda ama si kale ku caawin kara nala soo xiriiraan ama toos xarunta ula xiriiraan. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
# 33: Dhalinyarada iyo guurka - ma u baahan nahay inaan hagno?15 Feb 202200:52:07

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadan waxaanu ka hadli doonaa dhalinyarada iyo guurka.  Ma u baahan nahay inaan hagno? Hadeey nooga baahan yihiina, sideen u hagnaa iney lamaane ku haboon doortaan?

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#32: Dowrka waalidka uu ka cayaaro qayimka iyo mabda'a dhalinyarada29 Jan 202200:43:42

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qeybteena waxaan kaga hadli doonaa  sida dhaliyaradan looga caawin lahaa inay fikradahooda iyo mabd’a khaas u ah ay u samysan karaan, adigoo aan fikradahaaga ku khasbayn. Haddaba sidee ayuu waalidka taa uga caawin karaa? 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#31: Sideen ugu diyaarinaa nolosha ubadkeena dhalinyarada ah?09 Jan 202200:37:35

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa taxano cusub ·  Oo aan  kaga hadli doonaa dhalinyarada markay soo gaadhaan d’ada 18-ilaa 24 oo ah da'da ay u gudbayaan nolosha dadka waaweyn.  Taasoo laga filayo masu’uuliyad, go’aan qaadasho iyo ineey xil isa saaraan. Waxaa dhalinyaradaani lasoo gudboonaado caqabado badan. Haddaba waalidnimadeena ma waxeey ku egtahay ilaa ay 18 jir noqdaan mise weey sii socotaa. Haddaba ka dhageyso qeybteenaan.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#30: Maxaynu ka faa'iideysanay xalqadihii lasoo dhaafay?26 Dec 202100:45:44

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

  • Waxaanu hore uga hadalnay taxanihii lasoo dhaafay Isbadalka dabeecadaha iyo habdhaqanka ku yimaada ciyaalka da’da 13-18 jirka ay, iyo caafimaadkooda  maanka.
  • Waxaanu waraysanay Asma oo psychologist ah iyo Hanna oo ah registered nurse kuna takhasustay caafimaadka maanka iyo dhimirka.
  • Xalqadani waa gunnanadka taxanahaa aanu soo qaadanay iyo inaan faadumo iyo aniga oo sagal ah aanu soo koobno falaqaynteenii, ra’yigeenii iyo wixii aanu ka faa’iidaysanayba.

 Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

#29: Part 2 - Maandhaye & Maandhaqe - daaweynta & ka hortaga cudurada dhimirka iyo nafsiga28 Nov 202100:42:09

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Kusoo dhawaada qeybteena labaad ee maandhaye iyo maandhaqe. Hanna waxay qeytani nooga hadleysa daaweynta iyo ka hortaga. Waxay kaloo Hanna wax inooga sheegi doontaa dardaaran ay ugu tala gashay waalidiinta.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

# 28: Part 1: Maan dhaye iyo maan dhaqe, maxaad ka taqaanaa? Dhageyso wareysiga aan la yeelanay Hanna14 Nov 202100:29:47

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Maxaad ka taqaanaa maan dhaye iyo maan dhaqe. Cudurada ku dhaca ama dhibaatooyinka ku yimaada maanka waxaynu u baahan nahay inaan kala garano, si aan ceebeynta iyo takoorka bulshadeena iyo dadkeenaba. Qeybtaan waa qeybta hore oo ay Hanna inoo kala dhig dhiigeeyso waxay ku kala gedisan yihiin maandhayaha iyo maandhaqaha.

#27: Dhalinyarada iyo caafimaadka maanka – wareysi aan la yeelanay Asma Dhamac24 Oct 202100:37:39

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaan xalqadeena kaga hadleynaa caafimaadka maanka iyo cudurada ku dhaca dhimirka/maanka ee dhalinyarada. Waxaan wareeysanahay Asma Dhamac oo ku taqasustay cilmi nafsiga, una ololeysa sida ay bulshada Soomaalida u fahmi lahaayeen caafimaadka iyo cudurada ku dhaca maanka. Waxay xalqadeena Asma kaga hadleysaa sideey dhalinyarada iyagana u ogaan lahaayeen caafimaadka maanka iyo waxyaabaha ay sameeyn lahaayeen si ay uga hortagaan. Waxay kaloo Asma ka hadashay sideey waalidiinta iyo bulshadana u taageeri lahaayeen dhalinyarada. 

Asma waxaad kala xiriiri kartaa YouTube channel-keeda oo la yiraahdo Sirta Maana: https://www.youtube.com/channel/UClxzq7cuXnnhKhFUfXVKT9A
iyo Instagram @asmadhamac. 

Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 

#26: Ubadku waa Amaano - dhageyso wareysiga aan la yeelanay Afrah Adan10 Oct 202101:03:34

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena waxaa marti noogu ah Afrah Adan oo nooga hadleysa howlaha ay qabato oo ku saabsan sida loo xoojin lahaa isku xirnaanta waalidka iyo ubadkiisa. Waa wareysi qalbigeena taabtay, Afrah nalama wadaageyso keliyo howlaha ay qabato, oo waxay nala wadaageysaa qibradaheeda waalidnimo.

Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 

#25: Isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah - Attachment between parent and adolescent27 Sep 202100:49:39

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waa maxay isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah? mala arki karaa? mala dareemi karaa? Isku xirnaanta waa baahi ku abuuran waxwalbo oo noola ah qaasatan bini’aadamka. Waa mid ilaahay ku abuuray inuu u baahan yahay cidkale oo uu dareemo inuu ka tirsan yahay ama ku tiirsan yahay.
Haddaba ka dhageyso qeybteenaan sida uu waalidka uu xoojin karo xiriirka caruurtiisa qaangaarka ah. 

Waxaan kaloo qeybtaan idinkugu soo bandhigi doonaa jawaabihii kasoo baxay sahanka. 

#24: Maxaa keenay isbedelka cunugeyga - Me and My teenage05 Sep 202100:32:44

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Maanta waxaan mawduuceena ku bilaabeynaa sheeko ay hooyo soomaaliyeed noola wadaagtay. Waxay tiri: wiilkeyga wuxuu ahaa mid ii baari ah oo warkeyga maqla. Wuxuu ahaa kan ugu baarisan ilmaheyga oo dhan. Sanadkaan markii ii iskuulka ku laabtay waxaan ka dareemayaa isbedel badan. Wiilkii hore ma’aha oo faraxsanaa, waa maxay isbedelkaa maxaanse sameeyaa. Bal haddaba ka dhageyso jawaabaha aan bixineyno qeybtan.

Waxaan kaloo walaalaha ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan sahankaan oo aan jecelnahay inaan ku hormarino Ladnaan podcast.

https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN 

#58: Xaaladaha/dabeecadaha autism ama neurodiverse18 Aug 202400:31:26

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Fasaxeena kuleelaha kadib waxaan idiin soo gudbineynaa taxano ku saabsan xaaladaha ama dabeecadaha neurodiverse ka ah. Waa maxay, maxaa sababa, sideen ku ogaan karaa inuu ilmaheeyga leeyahay. Intaasba waa su'aalo aan ka wada hadleyno. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST 

#23: Sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast - Celebrating 1-year anniversary17 Aug 202100:31:54

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waa sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast. Waxaan xalqadeena kaga hadalnay hadafka aan u aasaasnay Ladnaan podcast, maxaa nagu guubaabiyay inaan sii wadno, xalqadaha labadeenaba aan jecelnahay iyo weliba waxaan ka hadalnay mustaqbalka Ladnaan.

Waxaan dhageystayaasheena ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan dhowr su'aalood oo aan jecelnahay inaan ra'yigiina dhageysano si aan howsheena Ladnaan usii wadno oo aan soo deyno barnaamijyo idin xiisa gelinaya. Waxay keliya oo ay qaadaneysaa ilaa 4 min. ka jawaabisteeda.
Guji linkigaan: https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN

Ladnaan listeners - we are running a survey and we'd love to hear whay you think of the podcast. Please give us some feedback at https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN 
It only takes a few minutes, and it really helps us improve the podcast.

#22: Sideen u fahamnaa caruurteena da'da qaangaarkaarka ku socota? Understanding children in middle years18 Jul 202100:47:33

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

·       Waxaan qeybaheena soo socda kaga hadli doonaa caruurta da’da iskuulka 7-18 jir iyo horumarkooda ama kobacooda jir ahaan, garaad ahaan, shucuur ahaan iyo xiriirkaba. 

·       Qeybteenan ugu horeysa waxaan diirada saareynaa caruurta da’da 7-12 jir ah

·       Waxaan marka hore ka hadli doonaa horumarka iyo kobcinta caruurta kadibna waxaan soo qaadan doonaa  tusaalooyin iyo talo

#21: Talooyin ay nala wadaageen waalidka keligii caruurtiisa korsanaya - Advices from single parents27 Jun 202100:19:04

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadan waxaan idiin soo bandhigi doonaa wareysi aan la yeelanay waalidiin ilmahooda keligooda korsanaya, caqabadaha ay la kulmeen iyo waxyaabaha u fududeeyay. Waxay kaloo waalidiintaan nala wadaageen talooyin aad iyo aad u wanaagsan oo uu waalid walba u baahan yahay. Dhageysi wacan.

#20: Maxaa caawin kara waalidka ilmaha keligii korinaya?06 Jun 202100:36:23

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Waxaanu xalqadan kaga hadleynaa waalidka korinaya ilmihiisa keligii.  Saamaynta ay ciyaalka ay ku leedahay in hal waalid oo kaliya uu koriyo. Saamaynta ay waalidka korinaya ku leedahay. Sidee saameynahaa looga badbaadi karaa, maxaase waalidka looga baahan yahay?

#19: Kalgacaylka iyo xiriirka labada waalid16 May 202100:41:51

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Lamaanahaaga miyaad aqbashay mise waad u dulqaadatay?

Do you have a tolerance or acceptance in your marriage? 

#18: Kobcinta qoyska ee bisha barkeeysan ee Ramadan05 Apr 202100:47:40

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qeybtan waxaan uga hadli doonaa sida aan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen. 

#17: Hooyo is daryeel si aad u daryeesho dadka mas'uuliyada kaa saaran - Mother take care of yourself21 Mar 202100:40:39

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qeybtan waxaan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay inay hooyadu ama qofka dumarka ah leedahay inay is daryeesho si ay u daryeesho dadka mas’uuliyada ka saran. Qof tiisa daryeelaa ayaa midkalena daryeeli kara. 

In this episode, we will talk about the importance of the mothers to take care of themselves so they can take care of their family. 

#16: Hooyadu waa lama huraan07 Mar 202100:32:26

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qeybteenaan waxaan uga hadleynaa muhiimada ay hooyada iyo dumarku leeyihiin.

We have dedicated this episode to all women and mothers.

#15: Maxaa keenaya in caruurta ay adeega bulshada ka qaadato waalidkooda?21 Feb 202100:39:31

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qeybyenaan waxaan ku wareysanay gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeeysa adeega bulshada (Social Service/Socialtjänst) ee Iswiidhan. Iyadoo aan weydiineyno sababaha keenta in ay adeega bulshada ay kala wareegto caruurta waalidkooda. 

In this episode, we have interviewed a social worker from Sweden about the causes of removing children from their parents. 

#14: Wareysi hooyo Soomaaliyeed - An interview with a Somali mother07 Feb 202100:55:43

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Qeybteenaan waxaan wareysi la yeelanay hooyo Soomaali oo degan Sweden, iyadoo noo gala hadleysa caqabada waalid in lagu noqdo qurbaha. Waa qeyb aad u xiiso badan oo wax badan nagu soo kordhisay oo aan aad ula dhacnay. Waxaan fileynaa inaad idinkana ka heli doontaan.

In this episode, we have interviewed a Somali mother living in Sweden on the challenge of being parent in another context and country than yours. This is one of our favorite episodes. Hope you also enjoy it.

#57:LIVE PODCAST - Xoojinta isku xirnaanta qoyska11 Jun 202401:13:50

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadaan waa Live Podcast oo aan la sameeynay waalidiinta Borlänge, Sweden. Xalqadaan waxaan kaga hadalnay sidaan u xoojin leheen isku xirnaanta qoyska.
Waxaan ka hadalnay lix qeybood oo naga caawineyso isku xirnaanta qoyska:
1.  In aaladaha teknoloojiga iyo shaashaada aan ka fogaano kuna badalno waxyaabaha reerka isku soo dhaweeyn kara
2. In ay jirta hab dhaqan ama maamul guriga oo ay dadku dhan wada og yihiin (routine)
3. In wada hadalka la xoojiyo iyadoo naxariistii iyo isfahamkii lagu dabaqayo
4. In waalidka uu is fahmo, caruurtiisana baro sideey isku bari lahaayeen
5. In la haysto layskuna xiro bulsho iyo dad nidaamsan
6. In caafimaadka waalidka iyo kan caruurtaba la xoojiyo

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
#13: Waalidnimada iyo qurbaha - Parenting in diaspora23 Jan 202100:36:57

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena 2aad  waxaan ku soo qaadanaynaa hababka tarbiyada caruurta qaasatan sidaan ugu tarbiyeeyn lahayn qurbaha. 

In this second episode, we will be discussing parenting styles and how we can parent our children in the context of diaspora. 

#12: Hababka tarbiyada qeybta 1-aad - Parenting styles10 Jan 202100:35:33

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Xalqadeena 1aad ee sannadkan cusub waxaan ku soo qaadan doonaa , hababka tarbiyada caruurta ee wadankeena laga isticmaali jiray. 

In this first episode of this new year, we will be discussing the different parenting styles and which parenting styles were used back home. 

#11: Ma jeclaan lahayd inaad habdhaqankaaga wax ka badasho?27 Dec 202000:31:23

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Motivation episode - would you like to change yourself? 
Maadaama uu sanadka cusub inagu soo fool leeyahay, waxaa wanaagsan inaan ka fikirno sanadkii nasoo dhaafay iyo kan soo socdaba. Haddaba ka dhagaysta qeybtaan sidaan wax isdaga badali lahayn habdhaqankeena si aan u kobcino farxada qoyskeena. 

#10: Gunaanad, Su'aalo iyo Jawaabo - A summary from previous episodes and Q & A13 Dec 202000:30:06

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaagno barnaamijkeena maanta. Qeybtan waxaan kusoo koobeynaa qeybaheenii hore ee ku saabsanaa, caafimaadka hooyada, sida aan u kobcin leheen maskaxda caruurteena. Waxaan kaloo qeybteenaan ka jawaabi doonaa su’aalihiinii aad noogu soo dirteen Ladnaan podcast intagram iyo meylkaba. 

We are so excited to share this episode with you. This episode is a summary of all of our previous episodes regarding parent's health and brain development of our children.  We will also answer your questions that you have sent through Ladnaan podcast Instagram and our email. 

© My Podcast Data