Ladnaan Podcast – Détails, épisodes et analyse
Détails du podcast
Informations techniques et générales issues du flux RSS du podcast.

Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel that everything is so smooth, and the next that we are failing. But we want to assure you that being parent is not being perfect, there is no perfection in parenting, but being a good enough parenting. If you want to strive and better understand yourself as a parent and your child, this podcast series is for you. Get engaged with fruitful and practical tips that you can apply on your daily parent-child relationship. Waalidnimada waa mid ku dheehan farxad, waxayna sidoo kale ay tahay mid howl adag oo mararka qaarkiina welwel leh, qaasatan haddii aad tahay waalid ilmihiisa ku korinaaya wadan ama meel aan wadankiisa eheen. Mararka qaarkii waalidka wuxuu dareemayaa ineey waalidnimada aad u fududahay, marmarna waxaa dhaceysa inaan dareemno guul daro. Laakiin waxaan jecelnahay inaan waalidiinta niraahno ma jirto qof waalid oo dhinac walbo ka dhamaystiran, ama perfect ah. Waalid walbana wuxuu sameeyn wanaag inta karaankiisa. Haddii aad dooneyso inaad waalid ahaan isku fahamto, ilmahaaga fahmto, Podcastigaan waa mid ku anfacaya. Nagala soco halkan, anagoo idiin soo tebineyna talooyin la taaban karo oo aad u isticmaali karto Horumarinta qoyska, kobcinta caruurta iyo dhalinyarada.Music: Joseph McDade (SunRise expedition) https://josephmcdade.com/musicArt by Fartuun Hashi. In collaboration with https://www.noorawellbeing.com/. Waxaan kaa codsaneynaa inaad nala socoto oo aad qiimeyso Podcast-kaan iTunes: https://podcasts.apple.com/se/podcast/ladnaan-podcast/id1526192367 ama Stitcher: https://www.stitcher.com/podcast/ladnaan-podcast?refid=stprWaxaad nagala soo xiriiri kartaan: ladnaanpodcast@gmail.com ama Instagram: @ladnaan_podcast
Classements récents
Dernières positions dans les classements Apple Podcasts et Spotify.
Apple Podcasts
🇫🇷 France - parenting
04/01/2025#92🇫🇷 France - parenting
03/01/2025#61
Spotify
Aucun classement récent disponible
Liens partagés entre épisodes et podcasts
Liens présents dans les descriptions d'épisodes et autres podcasts les utilisant également.
See all- https://josephmcdade.com/music
989 partages
- https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN
6 partages
Qualité et score du flux RSS
Évaluation technique de la qualité et de la structure du flux RSS.
See allScore global : 63%
Historique des publications
Répartition mensuelle des publications d'épisodes au fil des années.
# 62: Sideed u xoojineysa da’yarta autism/ADHD ga leh kalsoonidooda
Saison 4 · Épisode 62
lundi 30 décembre 2024 • Durée 32:58
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Xalqadeena waxaan kaga hadalnay sida waalidka uu ilmihiisa u xoojin lahaa kalsoonidiisa iyo siduu isku dabiri lahaa keligii. Waa xalqadii noogu dambeysay ee taxanaheena caruurta leh neurodivergent condition. Waa xalqad xiiso badan aanu rajeyneyno in waalid badan ay ka faaideysan doonaan. Xataa haddii uusan ilmahaagu qabin xaaladaan waxaad caawini kartaa waalidka kale ee haysa ama waxeey kuu noqoneysaa aqoon un kuu koradhay.
Introduction music is from josephmcdade.com/music
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
# 61: Sideey u caawiyaan Occupational therapist iyo Speach therapist caruurta autism ka leh
Saison 4 · Épisode 61
dimanche 17 novembre 2024 • Durée 26:11
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Xalqadeenaan waxaan kusoo koobeynaa wareysi aan la yeelanay Muna Abukar oo ah occupational therapist (OT) iyo Anna Fäldt oo ah Speech therapist (ST). Waxeey labadoodaba nooga hadleen goorta uu ilmaha autism ka qaba u baahan yahay OT iyo ST. Sideey wax ugu qabtaan iyaga iyo dowrka uu waalidka ka cayaaro.
Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa maqaalo iyo filimo siduu waalidka uu ilmihiisa uga caawin karo si uu luqada ama wada hadalka u xoojiyo.
1. Filim ku saabsan Buug aqrinta: Buug aqrin-somaliska on Vimeo
2. Wax wada aqriska: spraklust_a5_2023_somaliska.pdf
3. Filim ku saabsan kobaca luqada: Somali — Kodknäckarna - Stöd vid dyslexi och skrivsvårigheter
4. Sida loo caawiyo ilmaha inteeysan caqabado imaan: Wax ka qabashada hore - ku bilow ciyaarta iyo wada xiriirka
5. Xiisogalinta luqada caruurta da'dooda tahay 0-18 bilood: SOMALISKA 0-18 mån
6. Xiisogalinta luqada caruurta da'dooda tahay 2-5 jir: SOMALISKA 2-5 år
# 52: Aragtida caruurta laga qabo iyo saameynta - wareeysi Dr. Faadumo M.
Saison 3 · Épisode 52
mercredi 15 novembre 2023 • Durée 01:02:49
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Waxaan xalqadan xiisaha leh idinkugu soo gudbineynaa wareysi aan la yeelanay Dr. Faadumo Mohamud Mohamed aragtida caruurta ay bulshada ka qabto iyo saameynta ay ku yeelaneyso tarbiyada iyo tacliintaba. Dr. Faadumo waxeey xanaanad ka furtay magaalada Muqdisho taasoo ula jeedadeeda tahay in lasoo saaro fac naxariis iyo jaceyl wax lagu baray iyo ineey u arkaan waxbarasha mid socota oo aan dhamaaneyn.
Bal nala dhageysta xalqadan xiisaha leh. Nala soo wadaaga ra'yigiina, idinkoo Instagram keena @LADNAAN_PODCAST noogu soo diraya. La wadaaga walaalihiina Ladnaan podcast.
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
#51: Muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka, ilmaha iyo macalinka
Saison 3 · Épisode 51
dimanche 15 octobre 2023 • Durée 01:02:06
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Waxaan xalqadaan ku wareeysan Ubah Adan oo ah waalid, macalin iyo maamule iskuul. Ubah waxeey si fiican u kala dhigdhigeysaa dowrka uu macalinku ka cayaaro ilmaha ama ardeyga mustaqbalkiisa, waxbarashadiisa, iyo habdhaqankiisa. Iyo weliba muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka iyo macalinka. Waxaad kaloo maqli doontaa anagana ra'yigeena.
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
# 50: Ladnaan 3 years! Sidee buu noqon mustaqbalka Ladnaan?
Saison 3 · Épisode 50
dimanche 10 septembre 2023 • Durée 34:03
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Kusoo dhawaada xalqadan oo aan kaga hadleyno sideey ahayd sedexdii sano ee lasoo dhaafay, maxeeynu baranay, iska baranayna, sidee buu noqon mustqabalka Ladnaan podcast?
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
# 49: Ladnaanta nolosha waxeey ku jirtaa qiimeynta nafsadaada
Saison 3 · Épisode 49
dimanche 20 août 2023 • Durée 37:22
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Qof walba wuu jecel yahay inuu helo farxad iyo ladnaan. Laakiin sida uu qofka uu raadiyo weey kala gedisan tahay. Haddaba qeybtan waxeey ku saabsan tahay sida aan ku heli leheen ladnaanta nolosha. Iyadoo uu qofku u baahan yahay inuu naftiisa qiimeeyo doorarka nolosha ee saaran. Waxaan kaloo hadleynaa sida aan anagana isku qiimeynay.
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
# 48: Sideey caruurteena ku sameeysan karaan saaxiib wanaagsan
Saison 2 · Épisode 48
vendredi 7 juillet 2023 • Durée 43:03
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Su’aal aan anaga isweydiiney waalid badana ay is weydiinayaan ayaa ah sideey caruurteeba u sameeysan karaan saaxiib wanaagsan.
Saaxiibada muhiim ayeey u tahay caruurta, waxayna ka bartaan dad la dhaqanka, waxeeyna nooga baahan yihiin inaan hagno.
Waxaan isku dayeynaa inaan xalqadan kaga hadalno da’da kala gedisan iyo saameynta asaxaabta iyo sideey waalidka u hagi lahaayeen caruurtooda.
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
# 47: Xusuus wanaagsan la samee caruurtaada
Saison 2 · Épisode 47
dimanche 11 juin 2023 • Durée 37:28
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Xalqadeena maanta waxeey ka hadleysaa sidaan xusuus wan wanaagsan ula sameeyn lahayn caruurteena, iyo muhiimada ay leedahay xusuusta wan wanaagsan in la isla sameeyo.
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
# 46: Daryeel Bulsho - Wareysi aan la yeelanay Qoraaga Abdukadir A. Mursal
Saison 2 · Épisode 46
dimanche 21 mai 2023 • Durée 46:39
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Xalaqadeenaan waxaan wareeysi la yeelanay qoraaga buuga Daryeel Bulsho. Waa buug xambaarsan aqoon guud iyo wacyi galin ku saabsan caafimaadka maanka, anagoo ku xuseyna bisha May oo ah bisha caafimaadka maanka.
Abdukadir wuxuu xalqadani noogu sheegayaa talaabooyin ka hortrag ama ka daba tag xagga caafimaad xumida ku yimaada maanka.
Haddii aad dooneyso inaad iibsato buuga Daryeel Bulsho kala xiriir Abdukadir: cabduqadirabukar@gmail.com
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
# 45: Bisha Ramadan iyo sidaan u kobcin lahayn qoyska
Saison 2 · Épisode 45
dimanche 19 mars 2023 • Durée 47:37
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Xalqadeenaan waxaan uga hadleynaa sidaan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen.
Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maher Zain.
Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com