Explorez tous les épisodes du podcast Codka Ubax
| Titre | Date | Durée | |
|---|---|---|---|
| SE10EP04 Waan Is Guursannay 4 | 04 Oct 2024 | 00:36:37 | |
Waa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan! | |||
| SE10EP03 Waan Is Guursannay 3 | 23 Sep 2024 | 00:17:58 | |
Waa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan! | |||
| SE10EP02 Waan Is Guursannay 2 | 16 Sep 2024 | 00:15:47 | |
Waa qaybtii labaad ee taxanaheennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan! | |||
| SE10EP01 Waan Is Guursannay 1 | 13 Sep 2024 | 00:13:54 | |
Waa taxane cusub oo la magac baxay "Waan Is Guursannay". Waxa uu xoogga saarayaa qisooyinka dhegaystayaasha ku xidhan Codka Ubax iyo jacaylada guulaystay. Waa qaybtii kowaad. Dhegaysi wacan! | |||
| SE09EP07 Fanka & Suugaanta: Nimcaan "Qays Galbeed" | 28 Jun 2024 | 00:33:41 | |
Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta, waxana maanta ku casuuman abwaanka da'da yar ee Nimcaan "Qays Galbeed". Dhegaysi wacan! | |||
| SE09EP06 Fanka & Suugaanta: Cabdirisaaq Xasiliye | 31 May 2024 | 00:39:08 | |
Waa mar kale iyo barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa marti ku ah Cabdirisaaq "Xasiliye". Dhegaysi Wacan. | |||
| SE09EP05 Qoraalka & Dhaqanka | 10 May 2024 | 00:32:44 | |
Muna Axmed Cumar waa qoraa wax ka qorta dhaqanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay isbedellada qoraalka, kuwa dhaqanka, iyo wacyiga bulshada. Dhegaysi wacan! | |||
| SE09EP04 Barnaamijka Caafimaadka: Qanjidka Thyroid | 03 May 2024 | 00:25:48 | |
Maxaad ka taqaannaa qanjidhka thyroid-ka la yidhaa? Waa Dr. Mariam oo ka warramaysa isbeddelka ku yimaadda qanjidhkan iyo sida uu dadka u saameeyo. Dhegaysi wacan! | |||
| SE09EP03 Khilaafyada Soomaalida | 26 Apr 2024 | 00:33:28 | |
Maxaa soo celceliya khilaafyada Soomaalida, taariikh ahaan sidee loo xallin jirey, caqabado noocee ah ayaa se hor taagan in tabashooyinka la xalliyo? Mawduucan waxa aan kala sheekaystay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan "Musaabaqo". Dhegaysi wacan! | |||
| SE09EP02 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed" | 19 Apr 2024 | 00:30:00 | |
Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa maanta marti ku ah Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed". Dhegaysi wacan! | |||
| SE09EP01 Khalad-fahanka Baraha Bulshada | 12 Apr 2024 | 00:24:30 | |
Siyaabo gurracan ayay Soomaalidu inta badan u adeegsataa baraha bulshada. Waxa aannu sheekaysannay Cabdillaahi Xasan Ganey. Dhegaysi wacan! | |||
| SE08EP06 Waa Layga Guursaday 13 | 10 Dec 2023 | 00:12:04 | |
| SE08EP5: Dhuusamareeb | 10 Nov 2023 | 00:44:58 | |
Waxa aannu magaalada Dhuusamareeb kula kulannay Prof. Axmed Salaad oo aanu kala sheekaysannay isbeddelka dhaqanka ku socda. Dhegaysi wacan! | |||
| SE08EP04: Hadhiwaa | 27 Oct 2023 | 01:03:59 | |
Hadhiwaa waa buugga cusub ee uu qoray Maxamed Haldoor, kaas oo uu kaga warramayo waayihiisa caafimaad iyo isbeddelkii ku yimid. Dhegaysi wacan! | |||
| SE08EP03: Murtida Maansada Urugo | 14 Oct 2023 | 00:45:41 | |
Maansada Urugo waxa ay ku saabsan tahay qiso xanuun badan oo uu ka sheekayn doono Abwaan Cabdirisaaq "Bidixo", maansadeedana tirin doono. Dhegaysi wacan! | |||
| SE08EP02 Foosiya Rindai | 29 Sep 2023 | 00:23:35 | |
| SE08EP01 Dimuqraadiyaynta Tacliinta | 15 Sep 2023 | 00:27:05 | |
Cabdi Maxamed Axmed waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta afka iyo dhaqanka, waana Aasaasaha iyo Maamulaha Kitaab Cloud. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP11 Caweyska Boorama | 01 Sep 2023 | 01:09:50 | |
| SE07EP10 Beledweyn | 11 Aug 2023 | 00:30:36 | |
Waxa aannu magaalada Beledweyn kula kulannay Cali Baarrey oo ah sugaanyahan, macallin iyo odhay-dhaqameed. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP09 Qays Qeyser | 07 Jul 2023 | 01:11:51 | |
Qofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP08 Waa Layga Guursaday 12 | 16 Jun 2023 | 00:37:01 | |
Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP07 Silsiladda Jacaylka ee Muxubbo-Heellood | 09 Jun 2023 | 01:34:11 | |
Silsiladda jacaylka ee Muxubbo-Heellood waxa dalka Hindiya ka bilaabay Abwaan Haldeeq. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP06 Caweyska Burco | 02 Jun 2023 | 00:53:06 | |
Waxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan! | |||
| SE07EP05 Halista Qaabnololeedka Soomaalida | 01 Jun 2023 | 00:27:04 | |
Maxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP04 Cabdi Ciise Cajuun | 12 May 2023 | 00:51:56 | |
Fanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa Qalbiga | 01 May 2023 | 00:27:26 | |
Barnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay. Dhegaysi wacan! | |||
| SE07EP02 Waa Layga Guursaday 11 | 04 Mar 2023 | 00:29:03 | |
Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan. | |||
| SE07EP01 Bandhigga Hangoolka | 24 Feb 2023 | 00:26:56 | |
”Bandhigga Hangoolka” iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta Sheekada | 04 Nov 2022 | 00:45:53 | |
Hababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP07 Udbaha Nolosha | 09 Oct 2022 | 00:51:22 | |
Cabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP05 Gabboodfallada Caafimaadka | 24 Sep 2022 | 01:01:21 | |
Gabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP04 Waa Layga Guursaday 10 | 16 Sep 2022 | 00:25:14 | |
Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP03 - Jawaab Baan Baadhayaa | 09 Sep 2022 | 00:45:35 | |
Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP02 - Hadraawi | 30 Aug 2022 | 01:02:04 | |
Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan! | |||
| SE06EP01 Damiirka Anaa Iska Leh | 21 Aug 2022 | 01:07:05 | |
Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP12 Fan iyo Fannaan | 18 Jun 2022 | 00:59:41 | |
Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP11 Waa Layga Guursaday 9 | 10 Jun 2022 | 00:17:30 | |
Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay? | 03 Jun 2022 | 00:53:37 | |
Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso. | |||
| SE05EP09 Isbedellada Nidaamka Caafimaadka | 27 May 2022 | 00:43:29 | |
Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP08 Waa Layga Guursaday 8 | 20 May 2022 | 00:14:29 | |
Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay Finland | 13 May 2022 | 00:30:35 | |
Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP06 Ciid Wanaagsan | 02 May 2022 | 00:19:57 | |
Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP05 Dalxiiskii Riyada | 29 Apr 2022 | 00:30:02 | |
Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP4 Digrigii Xubbiga | 22 Apr 2022 | 00:39:57 | |
Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. | |||
| SE05EP03 Waa Layga Guursaday 7 | 18 Apr 2022 | 00:19:25 | |
Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska Xabaalqodaha | 15 Apr 2022 | 00:53:50 | |
Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! | |||
| SE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka Hargeysa | 08 Apr 2022 | 00:47:27 | |
Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan! | |||
| SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas | 10 Dec 2021 | 00:56:00 | |
Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan! | |||
| SE04EP14: Fanka & Suugaanta: Cabdirixiin Siddiiq "Heello" | 19 Nov 2021 | 00:52:39 | |
Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan! | |||
| SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi | 05 Nov 2021 | 00:36:54 | |
Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan! | |||